Xabbad-joojin Muddo Aan Loo Qaban Oo Ka Dhaqangashay Magaaladda Gaza

0
486

xamaas

Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa ku heshiiyay xabad joojin aan muddo loo qaban oo laga dhaqan galinayo Gaza Iyadoona Ay Xabad joojintani u muuqata inay hakad galinayso dagaalka iyo duqayntii socotay 50kii maalmood ee la soo dhaafay Taasi Oo Ka Socotay Halkaasi.

Xabad joojinta ayaa dhaqan gashay 7dii fiidnmo ee saacadda Marinka Gaza Wexeyna Isku Waafaqeen In Ay Dhaqan Gasho Oo Ay Wax Duqeyn Ama Rasaas Ah Ka Dhici Doonin Halkaasi Wexeyna Shacabka Sheegeen In Ay Ku Faraxsanyihiin Xabad Jiijintaani Lagu Dhawaaqay.

Heshiiskaani ayaa waxa dhexdhexaadisay dawladda Masar, Oo Iyada Had Iyo Gooraalaba Ka Sheqeysa In Ay Waq Dagaal Ama Duqeyn Ah Uu a Dhaco waxaana Israel ay ogolaatay inay dabciso cunaqabatayntii saarnayd Gaza.

Israel ayaa balan qaaday inay ogolaan doonto gaadiidka sida gargaarka iyo qalabka dhismaha u ogolaan doonto inay galaan gudaha marinka Gaza.

Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah qodobadiisa in labada dhinac ay wada-hadallo dheeraad ah isugu soo noqdaan bil gudaheed.