
Degmada Tiyegloow oo ay shaley la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta deggan Iyadoo Ay Isu Socodkii Dadka Iyo Baabuurta Ay Sidoodii Ku Soo Laabteen Waxaana Ay Dadka Ku Dhaqan Halkaasi Ay Sheegeen In Ay Ganacsigoodii Ay Furteen Haatanna Ay Degantahay Guud Ahaan Jawiga Deegaankaasi.
Maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay inay ahmiyad weyn u leedahay qabshada degmada Tiyeegloow oo ah tii ugu dambeysay oo gobolka ah oo shabaab lagala wareego Haatanna Uu Ay Xuseen In Ay Xajindoonaan Amaanka Iyo Guud Ahaan Maamulkeeda.
Sheikh Xassan Ibraahim Xassan Oo Ah Guddoomiye Ku xigeenka maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay inay degmadu u deggantahay , waxaana uu sheegay in ka hor intii aan degmada la qaban ay ka tabaabushaysteen sidii aanay degmdu go’doon u noqon lahayn.
Sidoo Kale Waxa uu intaas ku daray Sheikh Xassan Ibraahim Xassan in dadku cadaadis badan ay la kulmi jireen intii al-shabaabka ay degmada maamulaysay Balse Waqtigaan Wixii KA Dambeeya Ay Ka Nasan Doonaan Cadaadiska Iyo Dhibaatooyinka Ay Ku Heyn jireen Kooxdaasi.




