Sh. Shariif Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka, Digniin Culusna U Diray Madaxda Dowladda Soomaaliya

0
615

shiikh-shariif
Sh. Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda uu dalka soomaaliya marayo iyo khaladaad u muuqda in ay ku kacday dowladda faderaalka Soomaaliya Isagoona Taabtay Xaalada Dhabta Ah Oo Ay Ku Jiraan Shacabka Soomaaliyeed Iyo Sida Loogaga Bixi Karo.

Sidoo Kale Mudane Sh. Shariif Sheekh Axmed Ayaa Waxaa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay xiligan soo foodsaarayso dowladda soomaaliya iyo shacabka ayna masuul ka tahay madaxtooyada Laga Maamulo Guud Ahaan Dalka Wuxuuna Eedeyn Iyo Dhaliil Culus Dusha Uu Ka Saaray Masuuliyiinta Dowlada Oo Uu Ugu Sareeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud.

Hadalka Madaxweynihii Hore Ee Dalka Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sheekh Axmed Ayaa Imaanaya Xilli Madaxda Dowladda Ay Ku Fashilantay Maamulida Dalka Iyo Dadka Soomaaliyeed Waxaana Shacabka Ay Indhaha kuwada Hayaan Halka Ay Ku Dambeyndoonto Masiirka Umadda Soomaaliyeed.