Xisbiga MJS Oo U Dabaaldegay Sanadguuradii 16aad, Kana Dhawaajiyay Arrimo Xasaasi Ah

0
465

Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan guddiga fulinta golaha dhexe iyo hogaanka XMJS, sidoo kale waxaa ka qeyb galay munaasabadan marti sharaf kale oo lagu casuumay, iyadoo fantisiyihii iyo suugaantii lagu maamuusayey sanadguurada xisbiga loo joojiyey sanadkan xurmada bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed.

Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga MJS Cali Maxed Nuux (Timajilic) oo khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa ku dheeraaday taariikhdii, waxqabadkii xisbigaas iyo marxaladihi kala duwanaa ee uu soo maray isagoo xusay in xisbigu uusan aheyn mid qabiil, kana mid aheyn kooxaha hubeysan ee dalka ka jira ama soo maray.

“Maanta taariikhdu waa 6-da bisha Agoosto waxay ku beegan tahay sanadguuradii 16aad ee ka soo wareegtay asaaska xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyed, anigoo ku hadlaya magaca gudoomiyaha xisbiga iyo keygaba waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyed gaar ahaan taageerayaasha xisbiga ee kala jooga gudaha iyo dibeda dalka waxaana ALLE uga baryayaa inuu sanadkan kiisa kale ku gaarsiiyo barwaaqo nabad iyo guul” ayuu yiri Mudane Timajilic.

Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga MJS Cali Maxed Nuux (Timajilic) ayaa sheegay in xisbigala aasaasay 15 sano ka hor ka dib markii madaxda xisbiga ay arkeen baahida loo qabo xisbi noocan ah, sababo la xiriira duruufaha adag ee dalka ka jiray awgeed, isagoo xusay in ujedooyinkii loo aasaasay ay wax badan ka qabsoomeen kuwa kalena ay tiigsanayaan mustaqbalka sidii ay ku gaari lahaayeen.

“Ujeedooyinka iyo hadafka xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah in xukunka loo maro doorasho xalaal ah oo ah hal qof iyo hal cod lana joojiyo qabiilka iyo qoriga la daba ordayo oo siyaasiyiinta qaar ay moodeen iney wax ku noqon karaan hase ahaatee lagu hungoobay” ayuu yiri Cali Maxed Nuux (Timajilic).

“16 sano ka dib lama gurguuran, lama fariisin lama istaagin waxaana sabab u ah Soomaalida iyo nidaamyadii dalka soo maray ee qabiilku ku xoognaa, lana dhinac maray nidaamka xisbiyada kaasoo haddii ay dadku qaataan wax badan ay ka faaiidi lahaayeen, hase ahaatee waxaan weli ku taaganahay wadadeena” ayuu intaa ku daray Timajilic.

Gudoomiyaha ayaa ka hadlay xaalada dalka gaar ahaan magaalaada Muqdisho oo sheegay amaanka uu faraha ka baxay ayna hareeyeen dilal, qaraxyo iyo weeraro kale, isagoo ku eedeeyey dowlada madaxweyne Xasan Shiikh 2dii sano ee ay jirtay ineysan wax la taaban karo qabanin.

Waxaa xusid mudan in munaasabado kale oo tan la mid ah ay ka dhaceen qaar ka mid ah magaalooyinka gobolada dalka iyo dibeda waxaana khudbado ka jeediyey wakiilada xisbiga ee magaalooyinkaas jooga.