Wasiir Goodax: ” Hay’ad kasta oo dowladda ka tirsan ha loo Madaxbaneeyo shaqadeeda”.

0
533

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo la hadlayay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in loo baahan yahay in hay’ad walba shaqadeeda loo Madaxbaneeya.

Mr Goodax ayaa soo hadal qaaday Maamul u sameynta Gobollada dalka oo uu sheegay in Wasaaraddiisa lagu faragelinayo howshaasi oo iyada ay Masuuliyad ka saaran tahay.

Ugu dambeyn ayuu Wasiirki sheegay in dadka deg degsiimaha qabo ee Maamulada sameynaya ay joojiyaan arrimahaasi islamarkaana ay ka dhur sugaan Wasaaradda iyo guud ahaan Xukuumadda inta ay meel isaga imaanayaan qadiyadda Maamul u sameynta.godax2-150x150