Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa waxuu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururo kala duwan oo Madax ka ah Agaasimeyaasha u qaabilsan Qaramada Midoobay dhanka Gargaarka kuwaa oo isugu jira kuwa Dowli iyo kuwa Caalami ah kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Kulankan markii uu soo idlaaday kadib ayaa Saxaafada waxaa ugu warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigaasi, Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Axmed Baafo.
Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Axmed Baafo. Ayaa waxuu sheegay in Wafdiga ka kala socday Ururada kala duwan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhankan Gargaarka ay Soomaaliya u yimideen in ay dhageystaan mowqifka Xukuumadda iyo Macluumaadka laga hayo u diyaar garoowga wax ka qabashada Macluusha iyo Biyo Yarida taa oo laga cabsi qabo in Soomaaliya ay ka dhaci karto.
Imaatinka Wafdigan ka socad Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Gar gaarka ayaa waxuu ku soo aadayaa Iyadoo ay jiraan Dad badan oo ku dhaqan Degaanada uiyo Degmooyinka Gobolada Dalka oo soo food saaray Xaalada Bini’aadanimo.
DSC02847 DSC02848 DSC02851 DSC02852 DSC02858 DSC02859 DSC02869 DSC02871 DSC02879 DSC02881 DSC02885 DSC02886




