Wiil uu Adeer u yahay R/wasaarihii hore C. Faarax Shirdoon oo Al qacida u Dagaalaya

0
483

CBS News ee laga leyahay Dalka Canada ayaa Maanta waxaa lagu qoray warbixin ku saabsan Wiil uu Adeer u yahay R/wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku biiray Al-Qacidada ka dagaalanta Wadanka Syria iyo Ciraaq.
Warbixintaan waxaa lagu sheegay in wiilkaan oo Magaciisa la yiraahdo Faarax Max’ed Shirdoon oo muddo ku noolaa Magaalada Caglari ee Dalka Canada uu hadda ka mid yahay dhalinyarada u Dagaalanta kooxda ISIS ee Qaska ka wada Wadamadda Ciraaq iyo Syria.

Tv-ga CBS News ee warbixintaan baahiyay ayaa sheegay in Faarax Max’ed Shirdoon uu dhawaan kasoo muuqday muuqaal ay kooxda Argagixisadda ISIS soo bandhigeen asagoo dhahaya “Aduunka waan xoreyneynaa Allahu Akbar”

Faarax hooyadiis iyo walaashii oo degen magaalada Caglary ee dalka Canada oo ah qoys diimeed ayaa sheegay inay jah wareer iyo wal wal aan yareyn ka qaadeen markii ay maqleen in Faarax uu ka dagaalamayo dalalka Syria iyo Ciraaq.

Xubno ka tirsan sirdoonka dalka Canada ayaa laga soo xigtay inay hayaan xog ku saabsan in wiilkaan la yiraahdo Faarax Max’ed Shirdoon ee uu adeerka u yahay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ka mid yahay dhalinyaro fara badan oo Soomaali ku jirto oo tegay dalka Syria si ay uga mid noqdaan kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira dawlada uu hogaamiyo M/weyne Bishar Al-Asad.

Dhawaan dawlada Ciraaq waxay sheegtay inay duqeyn ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo Al-Qacidada Ciraaq iyo Syria ka tirsanaa.