C.fataax Shaaweeye oo loo magacaabay Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir

0
505

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”uu xilka ka qaaday Taliye ku xigeenkii Hay’adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir Cabdidheere.

Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa xilkan u magaacabay C.fataax Ibraahin Sabriye Shaaweeye Iyadoona loo arkay in Mas’uulkan in uu wax badan ka qaban karo Xaalada amaan ee Magaalada Muqdisho.

C.fataax Ibraahin Sabriye Shaaweeye oo loo magaacabay Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir ayaa hore ula soo shaqeeyay Maamulada Gobolka Banaadir ay maamuli jireen Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere iyo Maxamed Cismaan Dhagaxtuur waxuuna ka soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir.

Laakiin, Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe ayaa Taliye ki xigeenkii Hay’adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir waxaa loo magaacabay Madax howlgelinta Hay’adda Nabadsugidda Gobolka Banaadirimages-12-150x150