Qaadashada Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya oo la xadidey

0
496

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa war Cusub kasoo saartay qaadashada Baasaboorka Diblomaasiga ah, iyadoo dhanka kale Digniin looo diray kuwa wata.

C/raxmaan Ducaale Bayle, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay dhowaan horgeyn doonto Golaha Wasiiradda Hindise Sharciyadeed lagu mamnuucayo in Dadka aan ka tirsaneyn Dowladda ee iska qaata Baasaboorka Guduudan ee Doblomaasiyiinta loogu tala galay.

“Wasaaradayda dhowaan waxa ay hergelin doontaa Sharciyo Cusub oo diidaya in Dadka Rayidka ah ee aan kamidka ahayn Dowladda Soomaaliya ay qaataan Baasaboorka Diblomaasiga ee Guduudka ah, kaasi oo sanadahii danbe noqday mid furan oo Qofwalba iska qaata,”ayuu yiri Bayle.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ee bixisa Baasabooradda dalka (E-passaports) uu ku wargeliyay in Qof Shacab ah wuxuu doono ha ahaado, Ganacsade ama Dhakhtar uusan qaadan karin Baasaboorka Diblimaasiga ah.

“Kuwa haysta hadda Baasaboorka Diblimaasiga ee aan Dowladda Xil sare u hayn waa laga soo celin doonaan Baasaboorka, waxaana la marin doonaa Sharciga markii ay ahaato, waayo looma dulqaadan karo in aysan jirin Xaduud u dhaxeysa Shacabka & Madaxda dalka oo si ku mid ah ugu wada dhoofaan Baasaboorka Dilomaasiga,” ayuu raaciyay dalalkiisa Wasiirka.

Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ee uu hogaamiyo Gaafow ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ay si musuq-maasuq ah u bixiso Baasabooradda, oo xiraa ay siiso Shaqsiyaada Anjabi ah oo ka tirsan Kooxda Al shabaab, kuwaasi oo ka dhoofaya, soona gala dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay horey u sheegtay in Xildhibaanada, Wasiiradda & Shaqaalaha kale ee ka tirsan Dowladda in laga qaadayo Baasabooradda dalalka ay ka yimaadeen ee Qurbaha, si loo yareeyo Safaradooda ay dalka uga baxayaan.bayla-china-2-620x330