ulankaani oo ahaa mid wadatashi ah loogana hadlayay sidii ay shacabku uga qeyb qaadan lahaayeen xaqiijinta ammaanka 17 degmo ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Xarunta degmada X/Jajab ee Gobolka Banaadir.
Intii uu socday uu kulanka oo ay ka qeyb galeen shacab matalayay waxgaradka illaa 4 degmo oo ay ka mid yihiin degmooyinka Shangani, X/Jajab , Wardhiigleey iyo X/weyne iyo sidoo kale Masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Max’ed ayaa lagu falan qeeyay sida ay u wada shaqeyn karaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hay’adaha ku shuqulka leh xaqiijinta ammaanka dalka.
Ugu horeyn ayaa kulanka waxaa daah furay Guddoomiyaha Maamulka degmada Xamara Jajab ee Gobolka Banaadir oo marti geliyay kulankaasi kaas oo soo dhaweeyay dhammaan ka qeyb galayaashii kulankaasi.
Kulanka ayaa Saxaafadda ugu horeyn laga codsaday in ay dibadda u baxaan si Ra’iisul Wasaaruhu uu u dhageysto Ra’yi uruurin ku aadan sidii shacabka ay la tahay sugida amniga degmooyinka ay ku nool yihiin kuwaas oo sida kadib Ra’yi Uruurinta Saxaafadda looga warbixiyay soo bandhigay illaa 31 qodob oo ay u arkaan in ay wax ku ool u tahay sugida Nabad Gelyada.
Qodobada ugu Muhiimsan Ra’yiga dadweynaha ay bixiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa in si loo dar dar geliyo ammaanka isbedel lagu sameeyo Talisyada laamaha amamanka sida Nabad Sugida iyo Boliiska dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa in hadda Saraakiisha Hay’adaha amniga ay gacanta ku dhigaan qof dambiile ah aan si fudud lagu sii deyn waxaana laga codsaday Madaxda dowladda in loogu aaba yeelin marka la soo xiro dambiilaha dadka u ololeeyo sii deyntiisa ee ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaanno taas oo ay ku micneeyeen haddii ay dhacdo in la sii daayo uu waxyeelo kula soo dhex noqdo dadkii u gudbiyay hay’adaha amniga Kiiska dambiilahaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Max’ed oo ka hadlayay kulanka ayaa uga Mahad Celiyay shacabkii ka qeyb qaatay kulanka ee aragtiyada wanaagsan siiyay sida uu hadalka u dhigay isagoo shaaca ka qaaday in aragtiyada ay u soo bandhigeen aanu weli ka helin kuwa la mid ah Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.
DSC_0119
DSC_0120
DSC_0122
DSC_0124
DSC_0126
DSC_0128 DSC_0130
DSC_0132
DSC_0138
DSC_0139
DSC_0140 DSC_0144
DSC_0145
DSC_0146
DSC_0148
DSC_0149
DSC_0150
DSC_0151
DSC_0167
DSC_0171
DSC_0175
DSC_0180
DSC_0184
DSC_0188
DSC_0190
DSC_0191 DSC_0192
DSC_0193
DSC_0194





