Kenya oo gacanta ku dhigtay Nin dharka dowladda ka iibinaya Al-Shabaab

0
468

Ciidamada Boliiska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen nin Ganacsada ah oo lagu eedeeyay in dharka Ciidamada Milatariga kenya uu ka iibiyo Dagaalyahanada Shabaabka Soomaaliya ee Kenya ku sugan.

Gudoomiyaha Degmada Wajeer ee dalka Kenya Naftali Mungathia aya sheegay in Uniformka ninka la qabtay uu iibinayay uu isugu jiro Dharka Milatariga iyo Kan Ciidamada Boliiska Kenya lagana helay Dukaan uu ku leeyahay gudaha Magalada Wajeer ee dalka Kenya.

Mr Mungathia oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Ninkan Dukaanlaha uu dharka ama Uniformka Ciidamada Kenya ka iibin jiray Al-Shabaab iyo Maleeshiyo beleedyada ku dagaalama gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya kadib baaritan dheerna ay Ciidamada ammaanka Kenya gacanta ku soo dhigeen .

Gudoomiyaha Degmada Wajeer ayaa intaasi ku daray in dowlada ay baarayso cida ka danbaysa ama gacanta ugalisay Ninka ganacsadaha ah dharka Uniformka Ciidamada Kenya, iyo hadii ay jiraan sarakiil dowladda Kenya ka tirsan oo Ninkan ganacsada ah oo magaciisa la sheegin howshan kula jirta.

Ammaanka Kenya ayaa faraha ka baxay tan iyo Markii Ciidamada Kenya ay u soo talabeen dalka Soomaaliya si ay ula dagalamaan Dhaq dhaqaaqa Shabaab ee Soomaliya ka dirira.boliiska-kenya-150x150