Nickolas Kay, Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo ka hadlayay Munaasabad loogu dabaal dagayay Sanad guurada 1-aad ee UNSOM oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay muddo sanad ah kadib in uu kula dar daarmayo Madaxda Hay’adaha Dowladda in ay ku shaqeeyaan mideysnaan.
Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay ayaa waxuu hoosta ka xariiqay in Khilaaf iminka Soomaaliya aysan waji Karin islamarkaana loo baahan yahay in Madaxda Dowladda Khilaafdooda ay ku xliyaan Dastuurka sida uu hadalka u yiri.
Hadalka Nickolas Kay, Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo la sheegay in Khilaaf Xoogan uu soo kala dhex-galay Madaxda Dowladda Soomaaliya khilaafkaasi oo salka ku haya arimo Siyaasadeed.




