C/kariin Xuseen Guuleed oo jahwareer ka qaaday tallaabadii uu isaga casilay Wasiirkii Amniga Qaranka

0
522

Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/xakiin Xuseen Guuleed, ayaa waxa uu xilligaan wajahaaya xaalad niyad xumo ah, ka gadaal markii 24-kii bishii May uu iska casilay xilkii Wasiirnimo.

Tallaabada uu isku casilay C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa ka dambeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka gadaal markii Shabaabka ay barqanimadii Sabtidii (24-kii May) weerar ku qaadeen Xarunta Golaha Shacabka.

Dadka ku dhow dhow Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka, ayaa waxay ku sheegayaan in Wasiirku uu niyad jab weyn ka qaaday in uu is casilo, iyadoo lagu arkay dabeecad aanu horey u lahaan jirin.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxay dadka ku dhow dhow ku sheegayaan in laga dheehan karo qashuuc xagga dareenka ah, sidoo kale aanu u farxad badnayn sidii lagu yaqaano muddo 10 cisho ka hor.

Guuleed oo heysta khadka Internet-ka, ayaa waxa uu baraha uu dib kaga daalacdaa muuqaalkiisii daawashada lahaa, ee uu ku sheegaayay in uu isaga casilay xilkii Wasiirnimo.

Dhanka kale waxaa jira cadaadis xilligaan soo fuulaaya C/kariin Xuseen Guuleed, kadib markii jilibyada kale ee Beesha Habargidir soo jeediyeen in markaan iyaga la siiyo booskii uu ka tagey Wasiir Guuleed.

Cayr, Saleebaan iyo Saruur, ayaa waxay ku baaqayaan in midkood la siiyo jagada banaan ee Wasiirka Amniga Qaranka, haddii kalana la siiyo Wasaarada kale ee Beesha Habargidir ku lee dahay Xukuumada, si aan loo soo celin jilibka uu ka soo jeedo Guuleed ee Sacad.

Dowladdu waxay qorsheyneysaa laba arrimood midkood, in Wasiirka Amniga Qaranka loo soo magacaabo nin ku heyb ah C/kariin Xuseen Guuleed amaba in C/kariin Xuseen Guuleed loo magacaabo Wasaarad kale, si Beelaha kale ee Somalida u helaan Wasiirka Amniga.