Xuseen Carab Ciise”Amaanka Baarlamaanka wuu dayacan yahay”

0
484

Kulan ay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ku yeesheen Gudiga Difaaca Baaralmaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay oga hadleen Weerarkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho,gaar ahaan xarunta Baarlamaanka uu ku shiro.

Teaser Image Xuseen Carab Ciise

Gudoomiyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Dayacan yahay Amaanka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Weeraradii Al-shabaab ay ku soo qaadeen Saddexda Hay’adood ee Dalka ugu sareysa ay Muujinayaan Fashil dhanka Amaankaa.

“Dowladda Somalia Awood sidaa u buuran maleh,Al-shabaab Dagaal kooda wey badaleen Markii la jabiyey,Dowladda ayaa laga rabaa sirdoon fiican in ay yeelato oo soo sheega Qatarada ay Al-shabaab geysan karaan”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la Shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay soo sheegaan Dabinada ay Al-shabaab u maleegayaan Dowladda iyo Shacabkeeda.

Hadlaka ah Amaanka Baarlamaanka waa dayacan yahay ayaa hore waxaa u sheegay Gidiga Barlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Gaashaandhiga.far-620x330