Qoysas danyar ah oo Raashiin loogu qeybiyay Degmada Kaaraan

0
506

Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa 800 oo Qoys oo ka mid ah dadka Danyarta ah ee ku dhaqan Degmadaasi u qeybiyay Raashiin iugu jiray Bariis, Sonkor iyo Saliid.

Axmed Xasan Yalaxoow, Guddoomiyaha Degmada Kaaraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa u mahad celiyay Hay’adda Kaalmadaasi raashiin gaarsiisay Dadka ku nool Degmada Kaaraan Isagoo xusay in Raashiinkaasi uusan dabooli Karin Baahiyaha Dadkaasi balse ay tahay mid bilow ah waxuuna ugu baaqay Hay’adaha kala in ay ku daydaan.

Dhinaca kale, Sakariye Cali Mowliid, oo ka mid ah Dadka helay Raashiinka maanta laga bixiyay Degmada Kaaraan ayaa sheegay in uu aad ugu farax san yahay Raashiinkaasi la gaarsiiyay.

Maamulada qaar ka mid ah Degmooyin Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday howlo raashiin qeybin ah oo ay ka sameenayeen Degmooyikooda.