Wararka laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in Kooxo lagu tuhmay Ururka Al Shabaab ay Degaanka Kiunga ku Dileen ku dhawaad labo Askari waxaana Kiunga uu kaabiga ku hayaa Xadka Somalia iyo Kenya ka dhaxeeya.
Weerarkan looga shakiyay Al Shabaab ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaawacay mid kale Iyadoona Wararka ay sheegayaa in Kooxihii Weerarka soo qaaday laga Dilay 1 Ruux kuwa kalena ay baxsadeen.
Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo Ciidamada Kenya ay ku wateen Raashiin kuwaa oo marayay Degaanka Kiunga ee Xadka labada Dal ka dhaxeeya.
Waxuu sheegay in Raashiinkan uu ku wajahnaa Maleeshiyaadka Ururka Raaskambooni ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo sida Sarkaalkan uu sheegay.
Weerarkan ayaa waxuu ku soo aadayaa Iyadoo dhawaan Ururka Al Shabaab ay ku hanjabeen in Weeraro kala duwan ay ka geysan doonaan Degaano ka tirsan Dalka Kenya islamarkaana ay khasaro gaarsiin doonaan Shacabka Reer Kenya




