GUDDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE CIIDANKA OO SHABAAB HANJABAADII UHOREYSAY UDIRAY

0
483

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa fariintii ugu horeysay oo hanjabaad ah udiray Dagaalamayaasha Shabaab ee Dowladda Federaalka kasoo horjeeda.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka Milateriga Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeyo ay dhamaatay in qof Shabaab ah oo kiis Shabaabnimo ku cadaato uusan dib dambe u fakan doonin.

Mr Tuuryare, ayaa xusay in qof waliba oo Shabaab oo la qabta lagu xukumayo barta lagu qabto sida uu yiri, isaga oo intaasi ku daray hadalkiisa in qof waliba oo Shabaab ka tirsan uu helayo xukunkii uu muteesto.

Hay’adaha amniga Dowladda Wuxuu ugu baaqay inay soo gudbiyaan raga Shabaabka ka tirsan, wuxuuna tilmaamay in maxkamada ciidanka ay shaqeynayso oo ay diyaar tahay.

Ugu dambeyn Mr Tuuryare Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa tilmaamay inaysan unixi doonin Shabaab dambe oo ay ku fulinayaan xukunada sharciga waafaqsan.

Todobaadkii aan soo dhaafnay ayuu xilka la wareegay C/raxmaan Tuur yare Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida.20473