Bangiga Salam Bank oo ka mid ah Bangiyada sida Gaarka ah loo lee yahay ee ku yaal muqdisho islamarkana wada shaqeyn la leh shirkada Isgarsiinta Hormuud Talcom ayaa dhul dad rayid ah oo qaarkood agoon lee yihiin boob ku hayo kaasi oo ku yaala Degaanka Lafoole ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Dhulka oo ah Dhul aad u weyn ayaa Mas’uuliyiin Bangiga Salaam ka tirsan ay isku dayeen in si sharci darro ah ay ku dhistaan laakiin Dadka leh Dhulka oo qaarkood guda Dalka ku sugan ayaa ka hor istaagay kadib la koray Maxakamada Gobolka Sh.Hoose.
Dood iyo dacwo ka dib waxaa Maxkamada Gobolka Sh.Hoose ay aragtay Dekomiintiyada Sharciga ah ee Dhulka oo ay haystaan Dadka Rayidka ah waxaana sidaasi daraadeet Maxakamadu ay u xukuntay Dadkii lahaa Dhulka balse Madaxda Bangiga Salaam ma’aanu qancin waxaa ay qaateen Racfaan waxaa markaasi kadib Maxakamada Racfaanka Gobolka Sh.Hoose ay markale dhulka u xukuntay Dadka sida Sharciga u lahaa oo haysta Dekomiintiyada sharciga ah ee Dhulkaasi.
Bangiga Salaam oo sheega in uu ka mid yahay Bangiyada sida Islaamiga ku shaqeeya ayaa markaasi kadib Kharashaad badan ku bixiya sida dhulkaasi Dadka Rayidka ah oo ay leeyihiin ugala wareegi la haayeen Iyagoona Lacag siiyay Ceydiid C.laahi Ilka-Xanaf oo ah Guddoomiyaha Maxakamada Sare kaasi oo marka dambe si Sharci darro ah ugu Xukumay Dhulkaasi
Maxamed Cabdille Axmed, Saciid Cabdullaahi Saalax iyo Maxamed Cali Culusoow oo ah Milkiilayaasha Dhulka Sida Sharci darada Bangiga Salaam ugala wareegi rabto ayaa ka codsaday Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ka mid ah Madaxda Shirkada Isgaarsiinta Hormuud uu hoostago Bangiga Salaam in uu wax ka qabto dhaca Madaxda Bangiga ay u geysan rabaan.
Cumar Nuur Jimcaale oo la dhashay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Maxamed Aadan oo isna ka mid ah Madaxda Shirkada Hormuud uu Bangiga hoostago Wakiilna uu u yahay C.risaaq Macalin Aadan oo ka tirsan Shaqaalaha Shirkada Hormuud ayaa dhulboob kaasi ka wada Degaanka Lafoole ee Duleedka Muqdisho.
Milkiileyaasha Dhulka waxaa ay sheegeen in ay ku farxeen markii Golaha Amaanka uu Cuno qabateynta ka qaaday Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale laakiin ay ka naxeen markii Walaalkiis iyo Dad la socdo oo Shirkada ka tirsan ay dhulkooda dhaceen, Dhulkaasi oo Dad Agoon ah ay wax ku leeyihiin.
Dadka Reer Muqdisho iyo kuwa Gobolka Sh.Hoose waxey la yaaban yihiin sababta ay u sumcad dilayaan Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ah Ganacsade si weyn looga yaqaano guud ahaa Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kala kaasi oo haatan wax kala socon dhul Boobkan Madaxda Bangiga Salaam ay ku hayaan.
Hadaba Akhriso Cadeymo muujinayo in Bangiga Salaam uu wado dhul boob ba’an





