Kooxda Al-Shbaab ayaa sheegatay Werarkii lagu qaaday Maanta xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka oo ay ku shirayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Weerarkan ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay afaafka hore ee Baarlamaanka, iyadoo kadib rag hubeysan ay gudaha u soo galeen, kadibna uu iska hor imaad dhex maray ilaaladii ku sugneyd Xarunta Golaha shacabka.
Mid ka mid ah baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab oo soo xiganaysay Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ka dambeeyeen, isla markaana howl galka socdo.
Afhayeenka howl galada Shabaab Abuu Muscab oo la hadlay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in howl galka uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku qaadeen Xarunta Golaha Shacabka.
Abuu Muscab ayaa sheegay in howl galka wali socdo, isla markaana xoogag ka tirsan dagaalyahanooda ay gudaha ugu jiraan xarunta Golaha shacabka.




