Sida Goobjooge uu u sheegay Garoowenews Online, Dagaal Xoogan ayaa Xalay waxaa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubda Hoose.
Weerarka Garoonka kadib, waxaa bilaawday Dagaal Culus oo halkaasi ku dhexmaray Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka Ururka Raaskambooni uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Dagaalkan ayaa waxuu ka dambeeyay kadib markii Al Shabaab ay Madaafiic ku dhufteen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo Iyadoona aan la shaacin Khasaaraha kala duwan ee Weerarkan ka dhashay.
Dhinaca kale, Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Qoraal ay soo dhigeen Warbaahintooda waxey ku sheegeen in Khasaaro kala duwan ay gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Ururka Raaskambooni.
Sikastaba, Dagaalkan ayaa waxuu qeyb ka yahay Weeraro Ururka Al Shabaab ay ka geystaan Degaano iyo Degmooyinka tirsan Gobolka Jubad Hoose.




