Somali ka cararay Kenya oo gaaray Kampala +TIRADOODA

0
566

Waxaa Magaalada Kampala ee Dalka Uganda sii qul qulayo Soomaalida badan kuwaasi oo Naftooda kala soo cararay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya kadib markii Ciidamada Dowladda Kenya ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Soomaalida.

Waxaa la sheegay in maalin walba ku dhawaad 200 oo Soomaali ah ay gaareen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda kuwaasi oo sheegay in Nolol dhaanta mid Nairobi ay ka soo raadsadeen Magaalada Kampala.

Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa howlgallo loogu magacdaray USLAMA WATCH oo ah “Nabadda Ilaali” waxey ka bilaabeen Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaana lagu soo qab qabtay Kumanaan Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood dib loogu soo ciliyay Magaalada Muqdisho.

Wariye ka tirsan Shabakada Wararka Garoowenews Online oo ku sugan Magaalada Kampala ee Xarunta Dalka Uganda ayaa sheegay in Soomaalida ka soo carartay Dalka Kenya ee soo gaaray Magaalada Kampala in ay soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Uganda.

Waxuu sidoo kale tilmaamay in Dowladda Uganda ay u ogolaatay Soomaaliga ka soo baxsaday Raafka Ciidamada Dowladda Kenya in ay qaataan Sharciga Dalka ku jooga ee samsiikr.

Wariyaha ayaa xusay in ku dhawaad 600 oo Soomaali ah in ay soo gaareen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda magan galyo Nabadeed ka helay Dowladda Uganda oo Saxiib dhow la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxuu Wariyaha Garoowenews Online sheegay in dhibaato ballaaran ay ka taagan tahay Guryaha Magaalada Kampala taasi oo ku aadan in Qiimaha Kiradaha uu kordhaday kadib markii Qaxooti badan ay halkaasi gaareen.

Waxuu tibaaxay in Guryaha Magaalada Kampala la kireyn jiray Lacag dhan 120 Shilin ee kaga isticmaalo Dalka Uganda balse hada ay gaadhay ku dhawaad 200 Shilin taasi ay keentay Qaxootiga Cusub ee soo gaaray Magaalada.

Sikastaba, Soomaalida hada ku sugan qaarkood oo ka soo cararay dhibaatada Dalka Kenya oo la hadlay Warqabadka Garoowenews Online ee Magaalada Kampala ayaa sheegay in Lacagtaasi aysan waxba u arkin hadiiba ay ka soo baxsadeen Raafka Kenya.

Ugu dambey, Soomaalida ku soo qul qulaya Dalka Uganda gaar ahaan Magaalada Kampala ayaa waxey ku soo aadeysaa Iyadoona Ciidamada Dowladda Kenya ay bilaabeen howlgallo lagu beegsanayo Soomaalida kuwaasi oo qaarkood dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.images-113