DEG DEG: Wafdi ka socda Q/M oo gaaray Jowhar // Kulamo socda

0
455

Wararka laga helaayo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaaya in maanta uu gaaray wefdi uu horkacaayay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya.

Diyaarad Helicopter ah oo wefdiga Nicholas Kay ka soo qaaday Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay si nabdoon ku gaarsiisay Garoonka kubadda cagta Kulmis ee Magaalada Jowhar.

Amb. Nicholas Kay iyo wefdigiisa, ayaa waxaa soo dhoweysay xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana loo galbiyay Xarunta Shaqaalaha ee Magaalada Jowhar.

Danjire Nicholas Kay waxaa booqashadiisa Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ku wehlinaaya Saraakiil ka kala tirsan Hay’adaha kala ah Unocha, UNICEF, UNDP iyo FAO.

Xubnahaan waxay Magaalada Jowhar u taggeen kulamo kala duwan, oo ay kula lee yihiin Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo bulshada ku dhaqan Magaaladaasi.

Ciidan gaar ah oo laga qaaday Magaalada Muqdisho, Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamadii horey u joogay Magaalada Jowhar, ayaa iska wada kaashanaaya suggida ammaanka.

Ciidamadu waxay maanta adkeeyeen ammaanka Magaalada Jowhar, iyadoo Jowhar laga dareemay Ciidanka iska kaashanaaya xaqiijinta ammaankeedadownload-29