Kadib shir Jara’id oo uu Maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayuu kaga warbixiyay Waxqabadkii Xukuumadda Mudada ay shaqeyneysay.
Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in xukuumaddu ay wax ka qabatay arrimo Amniga ay ka mid tahay ayna ka hortagtay weeraro kala duwan oo ku soo folahaa Magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan.
Dhanka kale Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in isbedellada dhanka Maamuladda deegaanada dowladdu Maamusho ay ka mid tahay qorshayaal ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ugu diyaarineyso in ay ugu diyaariso doorasho xor ah sida ay uga qabsoomi lahaayeen deegaanadaasi marka la gaaro 2016.
“ Xukuumaddu waxaa ay diyaarisay gar gaar loogu tala galay deegaanada laga qabsaday Al Shabaaab sidoo kale” ayuu yiri Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.




