Deg Deg: Baarlamaanka oo Cod aqlabiyad leh ku diiday in Shirkadda FAVORi ay ka sii howl gasho Garoonka diyaaradaha Muqdisho

0
471

Wararka aynu ka heleyno Golaha shacabka Muqdisho ayaa ku soo warramaya in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu maanta cod aqlabiyad leh ku diideen in ay ka sii shaqeyso Garoonka diyaaradaha Shirkadda dalka Turkiga laga leeyaha ee FAVORI.

Xildhibaanno gaaraya 120 Mudane ayaa u codeeyay in gebi ahaan shaqada laga joojiyo Shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga halka 2 Mudane ay ka soo horjeesteen 13 kalana gebi ahaan ay ka aamuseen.

Intaas kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari uu ku dhawaaqay in Baarlamaanku uu go’aamiyay in aysan sii shaqeynin Shirkadda FAVORI ee ka howl gashada Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa Maalmihii dambe ka doodayay arrimo la xiriira qaabka ay u shaqeyso shirkadda FAVORI eeka howl gasha Garoonka diyaaradaha.anisixn_21-150x150