MARAYKANKA OO KENYA UGA DIGAY CADAADINTA SOOMAALIDA

0
557

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee Afrika Linda Thomas-Greensfield oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Maraykanka si weyn uga walaacsan yahay qaabka ay u dhaqmayaan ciidamada dowlada Kenya.

“…Maraykanka wuu kasoo horjeedaa falalka ka dhanka ah Xaquuqul Insaanka, waana in la kala saaraa la dagaalanka Argagaxisada iyo caburinta Shacabka aan waxna galabsan…”ayey tiri Ms. Greensfield.

“…Waanu u gudbinay taladeena dowlada Kenya waan ognahay weeraradii argagaxisada ee ka dhacay dalka Kenya sugida amaankana waa lama huraan, balse maaha in shacabka aan wax galabsan ay noqdaan kuwo dhinac walba ka dulman oo ay dowlada iyo argagaxisaduba wada bartilmaamsadaan…” ayey tiri haweenaydan u hadashay dowlada Maraykanka oo markii ugu horeysay cambaareysay raafka lagu wado Soomaalida ku nool Kenya.

Cambaareynta Maraykanka ayaa kusoo beegmatay wax yar kadib markii hay’ada Human Rights Watch warbixin ay kasoo saartay Kenya ku sheegtay hawlgalka raafka Soomaalida mid ka baxsan xaquuqul insaanka.

“…ciidamada Booliiska Kenya iyagoo adeegsanaya magaca dowlada iyo hawlgaladan waxay si gaar ah u bartilmaamsanayaan jaaliyadaha qaarkood…”ayuu yiri Daniel Bekele madaxa Human Rights Watch ee Afrika, wuxuuna intaasi ku daray “….Ciidamada Kenya waxay ku xadgudbeen muwaadiniinta reer Kenyanka ah, Qaxootiga iyo waliba muwaadiniinta wadamada kale kasoo jeeda, hawlgalka ay wadaana maaha mid wax ka bedalay xaalada amaanka….”
20268