Markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Australia ayaa gacanta ku dhigay dooni sida daroogada nooca loo yaqaano heroin kaas oo lagu qabtay Xeebaha dalka Soomaaliya sida wasaarada Difaaca dalka Australia ay xaqiijisay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in daroogada la qabtay qiima ahaan lagu qiyaasay (US$123 million), halka Kilo Garamkedana lagu sheegay 449 KG .
Markabka HMAS Darwin oo qayb ka ah Marakiibta ilaaliyaha biyaha Caalamiga ah qaybna ka ah maraakiib dagaal oo la dagaalama Buracad badeeda ka qowlaysata biyaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan ayaa gacanta ku dhigay daroogada sida Wasaarada Difacaaca Australia ay warbaahinta u sheegtay.
Abaanduulaha Markabka HMAS Darwin oo ah Markabka qabtay daroogada oo lagu magacaabo Terry Morrison ayaa sheegay in qabashada doonidan siday darooga badan ay muujinayso shaki la xariira in lagu maalgaliyo qarashka daroogadaasi Ururka Talibaan iyo Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.
Terry Morrison ayaa sheegay in darooga la qaybtay oo ka koobnayd 20 Jawaan halkii jawaanba lagu qiyaasay 20 ilaa 25 Kg.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili dhawaan Maraakiib lga leeyahay wadanka Australia iyo Ingiriiska ay si wada jir ah u qabteen darooga tan lamid ah oo gaaraysa 1,032 KG laguna qabtay meel u dhow xeebaha dalka Kenya iyo Tanzania , lacag ahaana lagu qiyaasay in ay ku kacayso $289 million.




