Heshiis Cusub oo dhexmaray Somalia iyo South Africa

0
779

War ka soo baxay Dowladda Koonfur Afrika “ South Africa” ayaa lagu sheegay in ay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya islamarkaana la shaaciyay in Soomaalida Ganacsatada ah ay halkaasi ku joogi karaan Boosaboorka Dalkooda.

Hogaanka Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Gen C.laahi Gaafoow Maxamuud ayaa sheegay in Waraaqo Aqoonsi ay ka heleen Dowladda South Afrika taasi ku aadan in ay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliyeed.

Wuxuu Gen C.laahi Gaafoow Maxamuud, Hogaanka Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya carabka ku adkeeyay in Dowladda South Africa ay casuumaad rasmi ah ay ka heleen islamarkaana ay u ambabixi doonaan Dalkaasi.

Ugu dambeyn, maanta oo Taariikhdu tahay 5/14/2014 ayaa waxaa lagu wadaa in Saraakiil iyo Madax ka socota Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya in ay u dhoofaan Dalka South Africa kadib Casuumaad ballaaran oo loo fidayay.somali-E-passport