Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka ogolaaday Xildhibaanada Baarlamaanka Waraaqaha Iscasilaada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdullaahi “Ruush”oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay 40 Xildhibaan oo Wakiil ka ah 115 kale oo Mooshinka keenay in ay Warqaaha Iscasilaada u gudbiyeen Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxuuna tilmaamay in labaduba ay ka aqbaleen.
Axmed Mayoow Cabdullaahi “Ruush oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qeexay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fashilmay 6 tiir uu sheegay in uu wax ka qaban doono markii loo dooranayay Madaxtinimada Dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Ruush ayaa sidoo kale xusay in Waraaqaha uu isku Casilayo Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ay u gudbiyeen Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mr Nickhlos Key.
Waxuu Axmed Mayoow Cabdullaahi “Ruush oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka uu tilmaamay in aysan ka soo horjeedin Horumarka Soomaaliya balse waxuu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha uu fashilmay howlihii loo idmaday sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayaa waxuu ku soo aadayaa Iyadoo dhawaan Xilidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay kulan looga soo horjeedo Hogaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho balse waxaa xusid mudan in Madaxweyaha uu ug baaqay in Xildhibaanada ay soo maraan Wadada saxda ah.
DSC_0495 DSC_0496 DSC_0497 DSC_0498 DSC_0499 DSC_0500 DSC_0501 DSC_0502 DSC_0503 DSC_0504DSC_0506 DSC_0507 DSC_0508DSC_0510DSC_0512





