RA’IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO GAARAY DEGMADA QORYOOLEEY

0
508

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminaye oo xalay ku hooyday Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa barqadii maanta gaaray Degmada Qoryooleey ee Gobalkaasi Shabeelaha hoose.

Makala cada in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Qoryooleey ay ku tageen safar dhanka dhulka ah iyo safar dhanka cirka ah, xilli shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Diyaarad Helicopter ah marka ku gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa Degmada Qoryooleey kusoo dhaweeyay Saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Amisom iyo maamulka Degmada Qoryooleey ee Dowladda.

Ammaanka Degmada Qoryooleey ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Magaalada wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa la dhigay ciidamo badan oo Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa hada kulamo la leh Saraakiisha ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee Degmada Qoryooleey.

Wadooyinka ku aadan dhanka Buundada iyo wadada aada Dhanka Farsooleey ayaa la dhigay ciidamo badan oo Amisom iyo kuwa Dowladda isugu jira, maadaama halkaasi ay tahay meesha ay Shabaab kasoo weeraraan Qoryooleey.
20147