Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxuu ka aqbalay in ay soo gudbiyaan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, Kulamo gooni gooni ah ayaa waxaa iminka ay ka socdaan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyadoona kulankaasi oo looga hadlayo Khilaafka Cusub ee soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xildhibaanada uu ku qaabilay Madaxtooyada waxuu kala hadlayaa sida la sheegay arimaha ku aadan Mooshinka ay Xildhibaanada Baarlamaanka ka so gudbiyeen.
Sikastaba, Kulanka uu Madaxweynaha la yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u jeedkiisa waxuu yahay sidii loo xalin lahaa Khilaafka u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmihii u dambeeyay ku kacsan Siyaasada Xasan Sheekh Maxamuud.




