DOWLADA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN DOORWEYN AY KU LAHEYD KA BIXITAANKII SOMALILAND EE DEGMADA TALEEX

0
549

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo mar uu la hadlaayay Warbaahinta ayaa waxa la weydiiiyay dagaalkii dhawaan ka dhacay Degmada Taleex ee Gobolka Sool wuxuuna sheegay Madaxweynaha in dagaalkaasi joojintiisa ay Dowlada Soomaaliya Kaalin Weyn ka qaadatay.

Madaxweynaha ayaa Sheegay inuu la hadlay Maamulada labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Puntland Ciiidamada Somaliland dib ugu baxeen Degmada Taleex.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalkii Taleex uu ahaa md ay ka xumaayeen,islamarkaana ay ka bixiyeen Jawaabtii ugu habooneyd.

Hadalkaan ayuu shalay ka jeediyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya,xilli wariyaasha su’aalo ay weydiinayeen.

Bartamaha bishii hore ee April ayay ahayd markii Ciidamada Maamulka Somaliland ay Gudahaha u galeen Degmada Taleex ee Gobolka Sool.20032