Maamul Goboleedka Puntland oo beesha caalamka ka codsaday in gar gaar lala soo gaaro

0
487

Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweyanaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ka codsaday beesha caalamka inay gurmad beni’aadanimo oo deg deg ah ay la soo gaaraan deegaannada maamulkaasi ka tirsan oo ay xaalado abaaro ka jiraan.

Mudane Cabdixakiin waxaa uu cadeeyey in ka badan 300.000 oo isugu jira reer miyi iyo xoolo dhaqato iyo weliba kuwa ku nool xarunta barakacayaasha Urban ay xaalad xun oo abaareed ay ku jiraan, isagoo xusay in laga caawiyo qodobada hoos ku qoran.

1. In dayactir lagu sameeyo ceelasha biyaha ee deegaanada miyaga loona baahan yahay in lala soo gaaro agab dayactir.

2. In biyo deg deg ah lala soo gaaro meelaha oomanaha ah.

3. In iyada oo la eegayo dhinaca aadanimo si dhakhso ah loo diyaariyo qalabka biyaha iyo shidaal lagu hawl galo si loo yareeyo culayska jira.

4. In la diyaariyo xarumo caafimaad iyo daawooyin lagu daryeelo meelaha sida aadka ah ay u saameeyeen abaaruhu.

5. In si dhakhso ah xoolaha nool ee kusgan meelaha Aabaaruhu aadka usaamaayeen la gaarsiiyo daawayn iyo xanaanayn.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey in xaalada bani’aadanimo ay kasii dari doono haddii xili roobaadka gugga uu dib u dhaco Abaartuna sii daba dheeraato.download-150x150 (1)