Xoghayaha Arimaha Dibada dowlada Maraykanka John Kerry ayaa booqasho ku yimid Magaalada Adis ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia , isagoo kulamo la qaatay dhigiisa wadanka Ethiopia Tedros Adhanom oo ay ka wada hadleen xaalada gobalka iyo howlgalada Nabad ilaalineed ee laga wado wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.
John Kerry ayaa sidoo la filayaa in uu kulamo maanta la qaato Madaxada Urur Gobaleedka IGAD iyo wafdi balaadhan oo dowlada Soomaaliya ka socda oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud uu hogaaminayo.
Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka ayaa sidoo kale Kulanka uu la qaadan doono Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxa ay kaga wada hadli doonaan La dagaalanka Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo ka warbixin doona xaalada ay xiligani Soomaaliya marayso.
Kerry ayaa la filayaa in Magaalada Addis ababa uga sii gudbo Wadamada Congo iyo Anglo , isagoo madaxda wadamadaasi kala hadli doona Xaalada iyo xasaaradaha ka taagan wadamo badan oo Africa ku yaala Sida Sudaanta koonfureed, Soomaliya, iyo wadanka Bartamaha Africada dhexe.




