Ciidamada Itoobiya Oo Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Ku Xiray Degmada Luuq

0
537

luuq
Ciidamada Itoobiya ee ka mid ah howl galka AMISOM ayaa sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda waxay maanta ku xireen degmada Luuq ee Gobolka Gedo, iyagoo albaabada u laabay maxkamadii degmadaas.

Sida ay wararku sheegayaan sarkaalka la xiray ayaa lagu magacaabaa Diyaad Cabdi Kaliil oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaalkan iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya uu soo kala dhex galay khilaaf, iyadoo aanay aheyn markii u horeysay oo ay Ciidamada Itoobiya xiraan sarkaalkan.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale maanta albaabada u laabay Maxkamadii degmada Luuq oo howlo dacwad qaadis ka socotay, waxaana la ogeyn sababaha ka dambeeyay oo Maxkamada loo xiray.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Ciidamada Itoobiya ay deegaanada xuduuda u dhow ku xireen mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusuna, dad qurbo joog ah iyo wariye u kuur galayay xaalada deegaano ay ka jiraan biyo la’aan, waxaana dadkan loo gudbiyay xabsi ku yaal degmada Jig Jiga.

Ma ahan markii u horeysay oo ay Ciidamada Itoobiya xir xiraan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dow