
Habeenimadii xalay ee Arbacada ayaa niman hubeysan waxay dil u geysteen saddex ka mid ah ciidanka amaanka ee maamulka Jubba.
Askarta la diley ayaa ku sugnaa xaafadda Via Afmadow, sida ay sheegayaan goobjoogayaal, dilka askarta loo geystey ayaa ahaa mid gaadmo ah xilli ay qaad u fadhiyeen.
Waxaa magaalada gaar ahaan halka dilku ka dhacay ka socda baaritaano ay wadaan ciidanka amaanku, mana jirto cid loo soo qabtey ilaa iminka dilkaas.
Muddooyinkii danbe waxaa si weyn ugu soo badanayey magalaa Kismaayo dilal si qorsheysan loo fuliyo, kuwaas oo dadweynuhu ay ka banaan baxeen maamulkana ka codsadeen in wax laga qabto.
Ma jirto cid sheegatey in ay ka danbeeyeen dilka loo geystey saddexda Askeri ee Jubba ka tirsan.




