sida Wararka aan maanta kahe helayo Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in maanta Kooxo hubeysan ay Magaalada Marka ku Dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed ayaa dabley ku hubeysnaa Bistoolado waxaa ay ku toogteen bartamaha Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose sida uu Goobjooge u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqedisho.
Waxuu sidoo kale Goobjoogaha intaasi ku daray in Kooxihii Dilka Sarkaalka ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen iyadoona Ciidamada Dowladda ay baaritaano dhanka amaanka ah ka bilaabeen halkaasi.
Saraakiil ka tirsan Booliska oo la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in ay ku raadjoogaan Dableydii Dilka fulisay waxaana carabka ay ku dhufteen in ay soo qaban doonaan Kooxahaasi sida ay hadalka u dhigeen.
Sikastaba, waxaa maalmihii ugu dambeeyey Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose ka dhacayay Dilal qorsheysan oo ka dhan ah Saraakiisha Maamulka Gobolka iyo Dad Rayid ah iyadoona Maamulka uu balan qaaday in wax badan ay ka qaban doonaan amaanka.




