Nin sacuudiyaan ah oo Al Shabaab lagu edeeyay

0
480

Ku xigeenka Safiirka dowladda Sacuudiga u fadhiya Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya Ibrahim Barnawi, ayaa u duuulay Magaalada Mombassa si Masuuliyiinta Magaladaasi uu u gala hadlo siidaynta Muwaadin u dhashay wadanka Sacuudiga oo Al Shabaab lagu eedeeyay oo Mombassa ku xiran.

Mr Barnawi ayaa sheegay in Hanas uu yahay arday ka yimaaday wadanka Holland uuna u yimaaday dalxiis ahaan wadanka Kenya wax cilaaqaad ahna uusan kala dhaxayn Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya ka dhisan.

“Waa dalxiise Hanaas waxa uuna xaq u leeyahay in uu booqdo Lamu, in qof sacudiyaan ah si fudud loogu eedeeyo Al-Shabaabna waa wax cadaalad daro ah ” sidaasi waxaa yiri Ibrahim Barnawi, oo ah ku xigeenka Safiirka dowlada Sacuudiga ee wadanka Kenya.

Mr Barnawi ayaa xusay in Hanas uu yimaaday wadanka Kenya maalintii talaadada ahayd uuna yahay qof dalxiis ah isagoo sheegay in Safarada Sacuudiga ee Kenya ay ka shaqaynayso sidii Muwadinkaasi Sacuudiyaanka ah loo sii dayn lahaa xoriyadiisana dib loogu siin lahaa.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Degaanka Lamu Samson Obara ayaa sheegay in Hanas uu si sharci darra ah ku joogay dalka Kenya, isagoo sheegay in uusan haysan decumentiyo cadaynaya waxa uu yahay waxa uuna intaasi ku daray in ay ku adagtahay in uu ku hadlo luuqada Englishka .images (2)