
Gudoomiyeyaashii degmooyinka Yaaqshiid iyo H/wadaag lagu sameeyay xil ka qaadis, iyadoo ay heer gaba gabo mareyso is bedelada guud ee lagu sameynayo Gudoomiyeyaasha degmooyinka.
Sida ay sheegayaan wararka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa gacanta u geliyay warqadii magacaabista Gudoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid, inkastoo aanu helin magaca mas’uulkaas.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay labadii maalmood socdeen la tashiyo iyo kulamo la xiriiray shaqsiyaadka loo magacaabayay Gudoomiyeyaasha labadaas degmo oo ah labada degmo ee haray.
Labada Gudoomiye waa Yaaqshiid iyo H/wadaag ayaa la sheegay inay aqbaleen xil ka qaadista, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay xilalka ku wareejiyaan shaqsiyaadka lagu bedelay.
Habeen hore ayay aheyd markii Gudoomiyihii hore degmada Wadajir Axmed Daaci uu xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee degmadaas loo magacaabay Axmed Cabdulle Afrax oo ah nin dhalinyaro aqoonyahan ah.
Gudoomiyeyaasha loo magacaabay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ah dhalinyaro aqoonyahano aad u da’yar oo badankood jaamacado uga soo baxay dalka Sudan oo uu horay ugu soo waxbartay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab.




