Saraakiisha Milateriga Shabeelaha Hoose Oo Ka Hadlay Dadka Lagu Laayay Masaajidka Muuri Lu Yaala

0
480

SARAAKIIL
Saraakiisha ciidamada Milateriga ee Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa iska fogeeyay dhacdadii xalay lagu laayay dad ku sugnaa Masaajid ku yaala deegaanka Muuri ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Aadan Muuse Shire oo kamid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu meesha ka saaray jiritaanka wararka sheegaya in raga dilay dadka shacabka ay wateen direeska ciidanka, sidoo kalena ciidamada Milateriga ay kamid ahaayeen.

“Adeer iyagaa lagaa rabaa cidii tiri ciidanka Milateriga dadka laayay hadii aysan ciidanka meesha tagi laheyn inta dhimatay inkabadan ayaaba la dili lahaa ciidanka shaqo kumalahan kiiskaasi”Ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Aadan Muuse Shire ayaa tilmaamay in ciidamada Dowladda ay durba gaareen markii ay ka warheleen dhacdadaasi oo ay ugurmadeen dadkii meesha lagu laayay, isagoo xusay in hadii aysan ciidanka tagi laheyn dad badan meesha lagu layn lahaa.

Raga dilka geystay ayuu ku sheegay inay ahaayeen rag wata dhar caadi ah sidoo kalena wajiyada ay soo duubteen, balse iminka uu socdo baaritaan ku aadan kiiska dadkaasi la laayay.

Ilaa hada si rasmi ah uma cadda cidii ka dambeysay dil wadareedka loo geystay lix ruux oo ku sugnaa masaajid ku yaala deegaanka Muuri oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose, una dhaxeeya NO.50 iyo Afgooye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa hada kama aysan hadlin falka lagu laayay dadkaasi shacabka ah.