Ururka Al-Islaax: Dalka waxaa ka jira amni darro iyo dhaqaalo la’aan

0
464

Xafladani oo aheyd mid ballaaran islamarkaana ay soo qaban qabiyeen Ururka Islaamiga ah ee Al-Islaax ayna ka soo qeyb galeen Culimaa’udiinka sida Sheekh Nuur Baaruud Gurxsan iyo Madaxda Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xaflada ayaa waxaa lagu soo gabagabeenayay Kulan mudo dhowr maalin Gudiga Shuurada Ururka Islaax uga soconayay Muqdisho iyadoona Kulankaasi laga soo saaray War-Murtiyeed dhinacyo badan taabanaya.

Sheekh C/qaadir Maxamed Xersi oo Saxaafad u aqriyay War-murtiyeedka ka soo baxay Kulankaasi ayaa sheegay in Dalka uu wajahay Dhaqaalo darri iyo amni la’aan waxuuna Ururka Xukuumadda ugu baaqay in wax badan laga qabto dhibaatooyinkaasi.

Ururka Al-Islaax ayaa waxuu ka mid yahay Ururada Islaamiga ah ee ka jira Dalka islamarkaana Dowladda Soomaaliya kala shaqeeya sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka mudada dhowrk iyo 20 sano ee ka jira Dalka.

download-47-150x150