Wararka laga helayo Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Iska horimaad Khasaaro gesytay uu maanta Degaanka Buufow-Bacaad ku dhexmaray labo Maleeshiyo.
Goobjooge ayaa sheegay in Dagaalkan uu sababay dhimashada labo Ruux oo Shacab ahaa isagoona intaasi ku daray in Xiisad Dagaal ay wali halkaasi ka taagan tahay.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa Dagaalkan Khasaaraha Nafeed geystay ee maanta ka dhacay Degaanka Buufow-bacaad ee Gobolka Sh.Hoose.
Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa 4 Ruux ku Dilay maanta Degaanka Muuri oo hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose iyadoona Dableydii Weerarka geystay ay goobta isaga baxsadeen.
Ugu dmabeyn, Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arimaha Bulshada ee Gobolka Sh.Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baaritaano ay wadaan islamarkaana ay soo qaban doonaan Ragii ka dambeeyay Dilka 4 Ruux loogu geystay Degaanka Muuri.




