Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo fara badan ka hesho dunida dacalladeeda , kaalmo aad u ballaaranna ay u fidiyeen adduunka maadaam aqoonsi buuxda ay ka heysato Caalamka sidaas oo ay tahay aanu wax nacfi ah ka siinin Bulshada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Prof: Dalxa.
Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu Xildhibaanku sheegay In haddii dowladda Soomaaliya dhaqaalaha soo galaya aysan u bixin sida uu u sooo galayo ay adkaan doonto sida lagu gaaro Horumar.
Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa heshay Ballan qaadyo dhaqaalo oo heer caalami ah si ay uga saacidaan in ay dib u kiciso Adeegayadii dowladda ee Bulshada Soomaaliyeed ay uga fadhiyeen.





