Ra’iisul Wasaare C/weli ” Dowladaha Darisku ha nagu caawiyaan Cirib tirka Al Shabaab”

0
520

Cabdi Weli Sheekh Axmed Max’ed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladaha dariska in ay ku caawiyaan Soomaaliya cirib tirka Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga Mahad Celiyay Dowladaha jaalka ee qeybta ka ah AMISOM howl galladooda ka dhanka ah Al Shabaab isagoo tibaaxay in dabar goynta Al Shabaab ay muhim u tahay dhammaan wadamada Geeska Africa iyo guud ahaan Caalamka.

“ Al Shabaab waa Mabda’ laga soo Minguriyay Cududo Shisheeye oo Qatar ku ah dhammaan adduunka marka waa in aynu iska kaashanaa ayuu yiri Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan AMISOM ayaa muddooyinkii dambe waday Howl gallo ku aadan sidii Al Shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada ay Gobollada dalka uga sugan yihiin Ururka Al Shabaabra-iisul-wasaare