
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta lagu dilay magaalada Muqdisho kadib markii qarax loogu gaarigiisa.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Isaaq Maxamed Cali (Riino) ayaa la sheegay in uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa oo gaarigiisa loogu xiray xilli uu joogay degmada Xamar Weyne, kaas oo markii danbe u dhintey.
Xildhibaan kale oo ka tirsan Baarlamaanka oo la yiraahdo Maxamuud Cali Dhuux ayaa isna la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, waxaana xaaladdiisa lagula tacaalaya mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxa, isagoo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxo uu ku tilmaamay ‘’nabad-diid’’.
‘’Waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, Baarlamaanka, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ahaa mudane baarlamaan oo u adeegayey shacabka iyo dalkiisa. Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo. AAMIIN.”
‘’Kooxaha nabad-diidka marnaba kuma guuleysanayaan argagaxa iyo dilalka qorsheysan oo ay la beegsanayaan shaqsiyaadka u adeegaya danaha shacabka iyo tan dalka. Nabaad diidku waxey ku soo koobmeen inay argagax dadka geliyaan oo ay si arxan la’aan ah u laayaan shacabka iyo masuuliyiinta. Soomaaliya Soomaali baa leh, waana ka gun gaareynaa kooxahan diidan nabadda iyo Soomaalinimada.’’ ayuu yiri Madaxweynaha.
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey in ay ka danbeeyeen qaraxa lagu diley Xildhibaanka, waxaana ay sidaas ka dheegeen Raadiyahaku hadla afkooda ee Andulus.
Ma ahaan markii u horeysay oo qarax loogu xiray gaarigiisa magaalada Muqdisho lagu dilo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ama masuul ka tirsan Dowladda.
Dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli Muqdisho uu ka furmay shirweyne looga hadlaayo amniga qaranka.




