Xilli Maanta lagu waday in Baarlamaanka Soomaaliya ay horyimaadaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Amniga , Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka ayaa kulankaasi Baarlamaanka waxa uu u baaqday Kooram La’aan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Wasiiradda looga wacay Golaha Shacabka ay yimaadeen hayeeshee Baarlamaanka aanu dhameystirneen Kooramkiisa sidaa darted uu u baaqanayo kulanka maanta.
Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa ka dalbaday Guddiga Anshaxa Baarlamaanka Soomaaliya in arrintaasi ay dib uga fariistaan ayna ka soo saaraan go’aan wax ku ool ah.
Dhanka kale Xildhibaan Seynab Max’ed Caamir oo la hadashay Warbahinta ayaa sheegtay in Baarlamaanka ay Fadeexad ku tahay in Wasiiradii loo madlanaa in Baarlamaanka auy horyimaadaan oo jooga uu Kooramkii Baarlamaanka buuxsami waayo.
Xildhibaanada ayaa sheegtay in Baarlamaanka waxa loo igmaday ay ahayd in ay si daacad ah ay ugu shaqeeyaan qaranka iyo umaddoosa Soomaaliyeed balse aan loo baahneen Masuuliyadda maanta dhacday oo kale.
Maalintii ayuu kooram la’aan u baaqanayaan Kulanka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dooda xasaasi ah qorshuhu ahaa in lala yeesho Wasiiro ka tirsan Xuukuumadda Soomaaliya oo ay horay ugu yeereen Xarunta Golaha Shacabka.




