Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicklos Kay aya walaac xoogan ka muujiyay Xiisadaha u dhaxeeya Maamulada Soomaaliland iyo Puntland, ee ka taagan gobalka Waqooyiga ee Sool gaar ahaan Magaalada Taleex.
“ Waxaan ku baqayaa in la dajiyo Xiisada, malagu xalinkaro arintaan Talaabo Milatari dhamaan waa in dhinacyada dhan ay ka fogadan rabshado uu dhiig ku daato .” ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya .
Kay ayaa ugu baaqay labada Maamul ee Soomaliland iyo Puntaland in xaalada lagu dhameeyo wada hadal iyo isafgarad si nabad ah .
Nicklos kay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka soo daleen in ku filan colaad looma baahna xiligani in colaad la abuuru ayaa lagu yiri warka uu soo saaray Nicklos kay.
Wakiilka qaramada Midooaby u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in ay tageerayaan hanaanka dhexdhexaadinta sidii lagu xalin laha xiisada ka soo cusboonatay gobalka Sool.




