Sarkaal Maamulka Degmada Wadajir ee G.Banaadir oo Muqdisho lagu qaarijiyay

0
504

Qaraxani oo ahaa Miino lagu xiray Gaari uu watay Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Max’ud Max’ud Abuu xaaji kaasi oo ku geeriyoodauy qaraxaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/basid Max’ed C/raxmaan oo kadib qaraxaasi la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay qaabka uu qaraxaasi u dhacay waxaana uu xaqiijiyay in qaraxa uu ku geeriyooday xoghayahii Degmada Wadajir isagoo sheegay in qaraxa kadib Ciidanka Nabad Gelyada degmada Wadajir ay sameeyeen Howl gal ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo falkaas.

Cabdi Baasid ayaa carabka ku adkeeyay in lagu raad joogo Kooxaha falalka liddiga ku ah Nabad Gelyada ka sameeya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Maaha Markii ugu horeysay oo Masuul u shaqeeya dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qaarijiyo Magaalada Muqdisho, waxaana xusid Mudan in muddooyinkii dambe Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ay ku soo kordhayeen qaraxyada Gawaarida loogu xiro Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.