Soomaali lala xiriirinayo dilka Soomaali kale oo Norway lagu qabtay

0
506

Muwaadin Sooamaliyeed oo lala xariirinayo dilka Muwaadin kale oo Soomaaali ayaa lagu qabtay Degaanka Groningen ee dalka Norway isagoo loo hayto in uu wax ka ogaa dil loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay habeenkii Talaadada gudaha dalka Norway.

Ninkan Soomaaliga ah oo dadiisa lagu sheegay 23 sano jir ayaa la sheegay in gacanta y ku dhigeen Ciidamada Boliiska Norway ayna soo qabashadiisa ay gacan ka gaysteen dad marqaatiyaal oo sheegay in dilka ninkaasi Soomaaliga ah ay ku lug lahaayeen 4 qof .

Ninka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa dadiisa lagu sheegay in ahayd 40 sano jir oo asal ahan Soomaaliya ka soo jeeda kaas loo qaaday Isbitaalka ugu danbayna uu u geriyooday dhawacii soo gaaray

Sarakiisha Boliiska wadanka Noraway ayaa Warbaahinta u sheegay in aan la garanayn halka uu sida rasmiga ah u daganaaa Ninka Soomaaliga ah, iyagoo sidoo kale ka gaabsaday in ay sheegaan magaca qofka soomaaliga ah ee la dilay iyo kan wax dilayba.

Ninka dilka gaystay oo isagana ah oo Soomaali ayaa lagu wadaa in maalinta bari oo Jimco ah la soo taago Maxkamad ku taala dalka Norway