7 ka mid Xildhibaanada laga soo doorto degaanada y Soomaalidu degto ee dalka Kenya ayaa ku hanjabay in ay ka bixi donaan Xisbiga Jubilee ee madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ka soo jeedo.
Xildhibaanada oo uu hor kacayo Xildhibaan Ducaale ayaa shegay in arintaasi ay ku dhalatay kadib markii ay arkeen Dhibaatada ay Ciidamada Boliiska Kenya ku hayaan dadka Soomaalida ah ee ku nool Xafada Islii, ee Mgaalada Niarobi, kuwaas oo maalmihii danbe raaf ay Ciidamada ka sameyen xafadaasi lagu soo qabqabtay qaar badan oo ka mid ah.
“waxaa waajib nagu ah in aan ka hadalno dhibaatada lagu hayo dadkeena waxaana naga go’an in aan ka baxno xisbiga Jubilee hadaan la joojin dhibaataynta dadkayaga sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Maxamad Maxmuud oo laga soo doorto galbeedka Magaalada Mandera ee gobalka Waqooyi bari dalka Kenya.
Hadalka xildhibaanada Soomaalida ah ee ka jira Baarlamaanka dalka Kenya ayaa imaanaya xili maalmihii aynu ka soo gudubnay howlgalo ay Ciidamada Kenya ka sameyeen Xaafada ay Soomalidu degto ee Islii lagu soo qabqabtay dad 4,000 ka badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo intooda badan laysugu keenay garoonka kubada cagta ee Kasarazi Stadium halkaas oo dhibaatooyin ay ku haystaan loona diiday Hay’adda xuuquul adanaha u dooda in ay booqdaan xaladooda caafimaadna waxa ka ogadaan, iyadoo ay Xusid mudanthay in 82 qof oo Soomaali oo la sheegay in ay sharci la’aan ku jogeen dalka Kenyana maanta laga soo dajiyay garoonka Adan ade international airport, kuwa kalana la filayo sida dowlada Kenya ay sheegytay in maalmaha soo socda dib loogu soo celin doono dalkooda hooyo ee Soomaaliya, lakiin su’aasha iswaydiinta mudantahay aya waxa ay tahay dadka isugu jira Haweenka iyo caruurta lagu qabqabtay raafka Nairobi ma argagaxisaa ????





