Boliiska Kenya oo sheegay in ay baadi goobayaan Nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu waxyaabaha qarxa farsameenayay

0
524

Ciidamada Boliiska Kenya ayaa sheegay in Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdirxamaan Xasan kaas oo howlgal ay Ciidamada Boliiska Kenya ay ka sameyeen xaafada Islii ka baxsaday, kadib markii ay Ciidamada Boliisku soo qaraaceen albaabka kana booday daaqada sida Sarkiil ka tirsan Ciidamada Boliiska Kenya ay Warfidiyeenada u sheegeen.

Boliiska ayaa intaasi ku daray in Ninka baxsaday uu ahaa Macalin wax ka dhiga Macad la yiraahdo Samad Islamic Institute uuna ka diiwan gashanyahay xeryaha qaxootiga lakiin uu macalin quraanka ka dhiga uu ka ahaa machadka oo ku yaala Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya, isagoo ay boliisku shegeen in waxyaabaha qarxa uu farsamaynayay ninkaasi

Dhanka kale iyadoo maalmihii danbe ay howlgalo balaadhan ay Ciidamada Boliiska Kenya ka wadeen Xaafada ay Soomaalidu degto ee Islii aya waxaa maanta kulan amaan darada ka soo cusboonaatay dalka Kenya looga hadlayo isugu yimaaday Taliyaasha Ciidamada Boliiska Kenya.
5_0

osma
Kulanka ayaa waxa ka mid aha dadka ka soo qayb galay Wasiirka Arimaha gudaha Kenya Joseph ole Lenku isagoo sheegay in amaanka liita ee ka jira countiyadda ama degmooyinka in ay masuul ka yihiin maamuladooda.

Dhanka kale taliyaha sare ee Ciidamada Boliiska Kenya David Kimaiyo ayaa sheegay una cudurdaray go’aanka ay dowlada Kenya ay ku gaaratay in la toogto dadka Hubaysan ee laga shakiyo.

Hadalka dowlada Kenya aya imaanaya xili howlgalo balaadhan oo raaf ah maalmihii danbe laga waday Xaafada Islii ay Soomalidu degto, iyadoo boliisku ay sheegeen in in ka badan 4,000 oo qof lagu soo qabqabtay howlgalada qaar kamid ahna ay saldhigayada ku xiranyihiin halka kuwa kalana markii ay Saldhigyad buux dhafiyeen laysugu geeyay garoonka Karazani halkaas oo dhibaatooyin ban’iiadanimo ay ku haystaan sida Hay’addaha u dooda Xuquuqul adanaha ay xaqiijiyeen.